Latest News

Qadar Oo Joojisay Adhigi Australia Uga Imanjiray Iyo Qiimhii Hilibka Oo Cirka Isku Shareeray.

Dooxa,January 8,2020 (Haatufonline)-Dalka Qadar qiimihii kiilooga hilibka Ostaraaaliga ah ayaa labanlaabmay waxaanu gaadhay 30 Riyaal oo Qadari ah kadib markii ay dawladda Qadar joojisay adhigii iyo hilibkii uga imanjiray dalka Ostaraaaliya.Hilibka geela oo suuqiisu xaami noqday ayaa isna qaaligaroobay oo qiimahiisu ka kacay 40 kii Riyaal ee uu ahaanjiray maalmo ka hor waxaanay hilibleyaashu maanta ku iibinayeen ilaa 60 Riyaal.

Waxay aheyd bishi Oktoobar ee sanadkii 2020 markii madaarka Dooxa 18 dumar ah oo transit ah oo dalka Ostaraaliya ku socday ay askarta madaarku amar ku bixiyeen in gudahooda la badho kadib markii ilmo yar laga helay weel qashinka lagu ururiyo oo madaarka yaalay.Dawladda iyo adweynaha Ostaraaliya ayaa aad uga xumaatay sida foosha xun ee loola dhaqmay dumarkaas waxaana Qadar laga dacweeyey maxkamado Ostaraaliya ku yaala.Hasayeeshe dawladda Qadar ayaan ilaa hadda wax garowshiyo iyo raaligalin ah toona ka bixinin arintaa loo haystay.

Dawladda Qadar ayaa waxay sanadkii Ostaraaliya kasoo iibsanjirtay 300 milyan oo doolar oo xoolo iyo hilib qalan isugu jira iyadoo ay dawladdu kabijirtay qiimaha hilibka dadka lagaga iibiyo.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*