Latest News

Qaramada Midoobay Oo Sheegtay In Dambiyo Dagaal Ciidamada Ethiopia Iyo Kuwo Eritrea Ay Ka Geysteen Gobolka Tigrayga

Nairobi, March 4, 2021 (Haatufonline) – Madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in xafiiskeeda uu cadeeyay xadgudubyo halis ah oo u dhigmi kara “dambiyo dagaal iyo dambiyada ka dhanka ah aadammaha” oo ka dhaca gobolka Tigreega ee Itoobiya, oo ay ku jiraan ciidamada Eritrea.

Michelle Bachelet waxa ay walaac ku muujisay bayaan ay soo saartay khamiistii, taas oo tilmaantay  in baahi deg deg ah loo qabo baadhitaan madax-banaan oo lagu sameeyo xaalada gobolka Tigray, oo ay bilo ka socdeen dagaalo.

Wakiilka sare ee Qaramada Midoobay ee xuquuqul insaanka oo hadalkeeda sii wata ayaa sheegtay in dhinacyo badan loo aqoonsaday inay geystaan ​​fal dambiyeedyada, oo ay kujiraan Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya, Jabhadda Xoreynta Dadka ee Tigray, ciidamada qalabka sida ee Eritrea, iyo ciidamada gobolka Amxaarada iyo maleeshiyada xulufada ah.

“Dhibbanayaasha iyo kuwa ka badbaaday xadgudubyadan waa in ay helaan cadaalad,” ayay Bachelet ku tidhi hadal ay soo saartay, iyadoo muujisay cabsi ay ka qabto in xadgudubyadu ay ka sii socdaan gobolkaasi iyadoo aan cidna lagula xisaabtamin.

Waxaanu xafiiskeedu sheegay  inay ku guulaysteen inuu xaqiijiyo macluumaadka ku saabsan qaar ka mid ah dhacdooyinkii dhacay bishii November ee sanadkii hore, taasoo muujineysa duqeymo aan loo meel dayin oo ka dhacday magaalooyinka Mekelle, Humera iyo Adigrat oo ka tirsan gobolka Tigray”.

Waxaana warbixinada ku saabsan xadgudubyada xaquuqda aadanaha ku jira dilal wadareedyo ka dhacay Axum, iyo Dengelat oo ku taal badhtamaha Tigray oo ay geysteen xoogagga hubaysan ee Eritrea.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*