Latest News

Qaramada Midoobay Oo Walaac Ka Muujisay Dagaalka Iyo Xiisadaha Ka Taagan Muqdisho

Muqdisho, February 19, 2021 (Haatufonline) – Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay iska horimaadyadii hubeysnaa oo Muqdisho ka dhacayay xalay iyo maanta oo Jimco ah.

Waxaanay ugu baaqeen deganaan iyo is xakameyn dhinacyada ay khuseyso, waxa ay boorriyeen in ay furnaato waddada wadahadalka si loo yareeyo xiisadaha kasoo cusboonaaday Muqdisho.
Bahda Qaramada midoobay waxay sheegeen in degdeg lagu qabto kulan ay isugu yimaadaan Madaxda Dowlada Federaalka iyo kuwa Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka si ay heshiis siyaasadeed uga gaaraan hirgalinta doorasho.
Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa maanta kacsan kadib markii dowladda federalka ay bandow kusoo rogtay magaalada ayna rasaas ku kala erisay mudaharaad ay hoggaaminayeen mucaaradka.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*