Latest News

Qarax Ka Dhacay Muqdisho Oo Uu Ka Badbaaday Agaasimaha Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Somalia

Muqdisho, October 20, 2020 (Haatufonline) – Qarax xoogan ayaa caawa ka dhacay nawaaxiga isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, kasoo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah, taaso la dhigay laamiga dhinaciisa waxaana lala beegsaday Agaasimaha Hay’adda Socdaalka Jinsiyadda dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi xili uu marayay wadada gasha garoonka Aadan Cadde.
Agaasime Koofi ayaa qaraxaasi ka badbaaday waxuuna saarna gaadhi nooca aan xabadu karin waxaase la sheegay in qaraxaasi ay ku dhinteen laba qof oo shacab ah waxaana sidoo kale ku dhaawacay dadkale oo shacab ah iyo qaar ka mid ahaa ilaalada Agaasime Koofi kuwaas oo dhaawacyadooda la geeyay xarumo caafimaad oo ku yaala Muqdisho.
Majirto wax war oo kasoo baxay laamaha amniga magaalada muqdisho oo ku aadan qasaaraha rasmiga ah ee qaraxa caawa ka dhacay nawaaxiga KM-4 waxaasa goobta qaraxa ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya waxaana hadda xiran isku socodka isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*