Latest News

Qarax Khasaare Geystay oo ka Dhacay Magaaladda Afgooye

Qaraxa ayaa ka dhacay bar koontarool.

Muqdisho,October 8,2020(Haatufonline)-Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in barqanimadii maanta qarax khasaare geystay uu ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolkaas, kaas oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay bar koontarool ah oo ay ciidamada milatariga Soomaaliya ku leeyihiin halka loo yaqaano baar Ismaaciil.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhaawacmay illaa labo qof oo kala ahaa darawal mooto Bajaajle iyo askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Inta badan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro kala duwan iyo qaraxyo ka fuliso gudaha magaalada Afgooye oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*