Latest News

Qarax Lagu Hoobtay Oo Muqdisho Ka Dhacay

Muqdisho, (Haatuf) – Qarax xoogle oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa subaxnimadii hore ee saaka ka dhacay Isgoyska mashquulka badan ee Ex-Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Dhimashada ayaa lagu waramayaa in ay gaareyso 100 ruux sida laga soo xigtay saraakiisha caafimaadka iyo Cisbitaallada la geeyay meydadka iyo dadka ku dhaawacmay Qaraxa.

Cisbitaalka Madiina oo kaliya ayaa la sheegay in la dhigay meydadka ku dhawaad 70 ruux, waxaana sidoo kale jira meydad kale oo iyagana la geeyay goobaha caafimaadka Muqdisho iyo kuwa kale oo ay qaateen Qoysaskii iyo Eheladii ay ka soo jeedeen.

Waxaa soconaya baadigoob wali dadka qaar ay ugu jiraan Ehel ahaayeen oo ugu war danbeysay ka hor inta uusan Qaraxu dhicin Isgoyska Ex Koontarool Afgooye, khasaaraha ugu badanna waxaa uu soo gaaray Ardey ku safreysay Bus goobta mararayay.

Mid ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa sheegay in marka la eego saameynta Qaraxan aanu waxba ka duwaneyn kii 14kii October ee sanadkii 2017 ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Baraha bulshada ay ku wada xidhiidhaan ayaa waxaa qabsaday tacsida iyo sawirada qaar ka mid ah dadkii ku geeriyooday Qaraxan oo ay soo dhigayaan dad ay asxaab ahaayeen.

Dowladda Soomaaliya ayaan wali soo saarin tirada rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay weerarkan ismiidaaminta ahaa oo ilaa iyo hadda aysan jirin cid sheegatay mas’uuliyadiisa.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*