Latest News

Qarax Lala Beegsaday Shaqaale Turki Ah Oo Muqdisho Ka Dhacay

Muqdisho, (Haatuf) – Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhimatay tiro ka badan 20 kalena waxa ka soo gaadhay dhaawac kadib markii Qarax Gaadhi loo adeegsaday oo lagu qaaday kolonyo ay la socdeen shaqaale Turkish ah oo ku howlanaa dhismaha Waddada xidhiidhisa Muqdisho iyo Afgooye lala beegsaday.

War lagu baahiyay Wakaallada Wararka ee Turkiga ee Anadolu oo soo xiganaysa Saraakiil ka tirsan Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa sheegay in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen Afar ka tirsan shaqaalaha Turkiga ee ka shaqaynayay dhismaha Waddada isku xidha Muqdisho iyo Afgooye.

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in sidoo kale weerarkaasi uu khasaare ka soo gaadhay inkastoo aan la ogeyn inta uu leeg yahay.

Ururka Al-shabaab ayaa 28 bishii December, ee sanadkii hore sheegtay in mas’uuliyada weerar ay ku dhinteen 89 qof oo ka dhacay Isgoyska Ex Koontarool Afgooye, iyadoo qaraxaa bartilmaameedkiisu ahaa shaqaale Turkish ah oo goobta marayay.

Dhinaca kale warbaahinta Turkiga ayaa qortay in tiro ka badan 40 Mitidiinta Al-shabaab ka tirsan ay dileen Ciidammada Dawladda Federaalka Soomaaliya, sida laga soo xigtay Masuuliyiin dawladda Somalia ka tirsan.

General, Mohamed Ahmed Taredishe ayaa Warbaahinta u sheegay in dagaalyahannada Al-shabaab ka midka ahaa la dilay, ka dib markii ay soo weerarreen Saldhig Ciidan oo ku yaalla Shabeelaha dhexe ee Dalka Soomaaliya.

Sarkaalku wuxuu sheegay in Al-shabaab laga dhaawacay in ka badan 30 xubnood, intii uu socday dagaalka saldhiggaasi ku dhex maray Dagaalyahannada Al-shabaab iyo Ciidammada Dawladda Soomaaliya (SNA), sida Wakaaladda Wararka ee Turkigu ka soo xigatay Idaacadda Millateriga Soomaaliya.

War Qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee dalka Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 4 Askari ay Dagaalkaasi kaga dhinteen Ciidammada Dawladda, halka saddex kalena kaga dhaawacmeen.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*