Latest News

Qaraxii Hotel Afrik Wuxuu Mar Kale Muujinayaa In Alshabaab Aanay Cidna U Aabo Yeelayn

February 2,2021

FAALLO ,Qore Cabdillaahi Xasan

Dadki ku geeriyooday iyo kuwi ku dhaawacmay qaraxi ay argagixisada Alshabaab doraad la beegsadeen Hotel Afrik waxay dhamaantood wada ahaayeen dad rayid ah oon waxba galabsan.Waxa ka mid ahaa lamaane aroos ahaa oo dhalinyaro ah oo sunahi Ilaahay iyo Rasuulka صلعم ee xalaasha ahaa isku guursaday .

Markasta oo Alshabaab ay meel magaalada Muqdisho ah qarxiyaan cidda wax ku noqotaa waa shicibka mana aha mar qudha ama laba iyo sadex ee waa boqolaal jeer intay dad rayid ah ku xasuuqeen jidadka,hudheelada,xarumaha waxbarashada iyo goobaha dadku iskugu yimaadaan.

Alshabaab waxay gumaad ku haysaa dhalinyaradii oo hadii aad u fiirsato dadka ku nafwaaya ama ku dhaawacma hawlgalada is-qarxinta ah ee ay fuliyaan waxad arki doontaa inay dhalinyaro u badanyihiin sida qaraxi bishi November 2020 ay la beegsadeen maqaaxida Gelato Divino ee ay dhalinyaradu ku hoobteen.

Waxa seh marag ma doonto ah in Alshabab aanay kala jeclayn ama dan ka lahayn cidda waxyeeladu kasoo gaadhayso qarxyadooda oo caruur iyo ciroole,rag iyo haween kay doonaan ha noqdaane aanay cidna u aabo yeelayn.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*