Latest News

Qareen Maraykan Ah Oo Maxkamad Lagu Soo Taagayo Lacag Malaayiin Doolar Ah Oo Ay Laheyd Dawaladii Soomaaliyeed Ee Burburtay 1991 Oo Uu Si Khiyaamo Ah Ugala Baxay Baanankii Lagu Xayiray

College Park,December 4,2020(Haatufonline)-Looyar Maraykan ah oo magaciisa la yidhaahdo Jremey Schulman ayaa gobolka Maryland ee Maraykanka maxkamad lagu soo taagaya malaayin lacagta Doolarka ah oo uu si khiyaamo ah ugala baxay baanankii la dhigtay.

Lacagta ninkan lagu eedaynayo ayaa waxa lahaa dawladii Soomaaliyeed ee burburtay horaantii 1991 waxaanay xiligaasi taalay baanan kala duwan oo Maraykanka iyo Yurobba ku yaalay kuwaasoo markii ay dawladii laheyd dhacday lacagtii xayiraad saaray.

Hadaba Jeremy Schulman ayaa waraaqo foorjari ah intu samaystay sheegtay inuu u shaqeeyo Xafiis Sharci oo ay dawladda Federaalka Somalia u igmatay inuu usoo celiyo hanti lagu qiyaasay boqolaal milyan oo doolar ah.Haseyeeshee waxa xukuumadda Federaalka kasoo gaadhay lacag lagu qiyaasay 9 milyan oo doolar oo kaliya.Dacwaddan waxa Mr Schulman kusoo oogay xeerilaalinta gobolka Maryland.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*