Latest News

Qarramada Midoobay Oo Ka Hadashay Wada-Hadallada Hoggaamiyayaasha Somalia

Muqdisho, April 05, 2021 (Haatufonline) – War Qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Qarramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa lagu bogaadiyay wadahadallada hor dhaca ah ee u bilaawday madaxda DF iyo kuwa dowlad gobolleedyada ku  wada sugan magaalada Muqdisho.

Qoraalka ayaa lagu yidhi ”Qaramada Midoobay waxaa ay dhiira-gelineysaa  joogitaanka dhammaan madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee shirka horudhac u ah shirka wada-tashiga ee 3-dii ilaa 4-tii April ka dhacay Muqdisho.

Qoraalka ayaa sidoo kale ku booriyay hoggaamiyayaasha Soomaalida in ay horay u sii wada hadallada u dhaxeeya si ugu danbeyntii isfahm buuxa looga gaaro  hannaan doorasho oo leysku waafaqsan yahay.

Wakiiladda beesha caalamka ayaa culeys weyn ku saaraya dhinacyada Soomaalida in ay soo gabagabeeyaan khilaafka u dhaxeeya si dalku u wajaho doorasho wadar ogol ku dhacda.

Kulanka Teendhada Afisiyooni ayaan maanta baaqday iyadoo la sheegay in uu jiro wada tashiyo hoose oo dhinacyadu ku maqan yihiin si shirka loo sii anbaqaado.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*