Latest News

Qodobo Laga Soo Saaray Shir Boorama Ay Ku Yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Iyo Odayaasha Dhaqanka Ee Awdal

Boorama, August 12, 2020 (Haatuf) – Shir magaalada Boorama ay ku yeesheen Xildhibaannada Baarlamaanka Somaliland u matala gobolka Awdal, Odayaasha dhaqanka ee gobolkaasi, Dhalinyarada iyo Aqoonyahanka ayaa qodobo ka soo saaray shirkaasi ay ku yeesheen magaalada Boorama.

Qodobada ka soo baxay shirkaasi oo uu madasha ka akhriyey Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar ayaa lagu sheegay in.

  1. In aanay saami qaybsi la’aan doorasho ka qabsoomayn gobolada galbeedka Somaliland.
  2. Inay ku guubaabiyeen dadka adkaynta amniga iyo in salmi ah loo raadsado saamiga ka maqan.
  3. Beesha caalamka oo looga digay in doorasho aan la isku raacsanayn ay malgaliso.
  4. Waxaanu ka digaynaa in xukuumadu ay ku sii socoto cadaaladd darada ay ku qaybisay awood qaybsigii dawladdnimo ee la wada lahaa, sida; Golayaasha Sharci-dajinta, Furlinta iyo Garsoorka, ciidamada iyo shaqaalaha.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*