Latest News

Raiisalwasaaraha Soodaan Oo Booqasho 2 Maalmood Ah Maanta Ku Yimid Itoobiya Oo Dhawr Saacadood Ka Dib Degdeg Ugu Laabtay Dalkiisii.

Adisababa,December 13,2020(Haatufonline)-Raiisal Wasaaraha Soodaan Cabdalla Hamdok oo maanta dalka Itoobiya ku yimid booqasho 2 maalmood ah ayaa isla maanta deg ugu laabtay dalkiisii kadib matkii uu Adisababa joogay dhawr saacadood oo kaliya.

Raiisalwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaan Hamdok kusoo dhawaynin madaarka Adisababa balse kula kulmay xarunta madaxtooyada ee ku taala magaalada gudaheeda dabadeedna u duulay caasimadda gonolka Tigray ee Maqala halkasoo uu ciidamadiisa uga jeediyey khudbad faan iyo is-cajabin farabadani ku dheehantahax.

Siday warar aan la xaqiijin sheegeen Mr Hamdok ayaa usoo jeediyey Abiy Axmed xabad joojin laga hirgaliyo gonolka Tigray balse waxa taas gaashasnka u daruuray raiisalwasaaraha Itoobiya oo isagu aan habayaraatee ogolayn wax wada hadal ah oo dhexmara isaga iyo madaxda gobolka Tigray ee dagaalku kasocdo.

Fashilka ay booqashadani ku dhamaatay ayaa ku biiraya guuldarooyinka iyo go’doonka diblomaasiyadeed ee ay Itoobiya maanta kaga jirto mandaqadda.Waxa kale oo jirtay in Itoobiya ay booqashada Hamdok sii iclaamisay isla markaana sii sheegtay inay laba cisho qaadan doonto,waxaana la isweydiin kara sababta uu Abiy Axmed safarkiisii Maqale ugu beegay maalintii uu raiisalwasaaraha Soodaan imanayey Adisababa.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*