Latest News

Raysal Wasaaraha Ingiriiska Oo Cusbitaal Loo Dhigay Coronavirus

London, April 6, 2020 (Haatuf) – Raysal-wasaaraha dalka Ingiriiska Boris Johnson ayaa Cusbitaal la dhigay, ka dib markii 10 maalmood ka hor laga helay Coronavirus, sida laga soo xigtay Xafiiskiisa Downing Street.

Waxaa la geeyay Cisbitaal ku yaalla magaalada London, ka dib markii calaamadaha Coronavirus ay ku sii siyaadeen, sidoo kalena waxaa sare u kacay heer-kulkiisa ma Xummaddiisa.

Raysal -wasaaraha ayaa weli hoggaaminaya Dawladda, balse wasiirka arrimaha dibedda ayaa lagu wadaa in uu hoggaamiyo kulan Isniinta Maanta lagaga hadlayo Fayruska Corona.

Raysal-wasaare Johnson ayaa lagu wadaa inuu caawa ku jiro Cisbitaalka.

Mr Johnson ayaa guriga ka soo shaqeynayay tan iyo markii lagu dhawaaqay in laga helay xanuunuka Coronavirus 27-kii March.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*