Latest News

“Raysal Wasaare Isma Qabtaan Waxaan Helay Biladii Nabadda Iyo Dagaal Ayaan Ku Qaadayaa Dad Umadayda Ka Mid Ah” Gudoomiyaha UCID

Hargeysa, November 16, 2020 (Haatufonline) – Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay dagaalka ka socda dalka Ethiopia oo daris la ah Somaliland.

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu ugu baaqay Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Dr Abiy Ahmed inuu joojiyo dagaalka oo uu dhagta u raariciyo baaqyada beesha caalamka, isagoo tilmaamay inaanay is qaban bilada nabadda iyo dagaalku.

Faysal Cali Waraabe waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu maanta warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa waxaanu yidhi “Waxa muuqata dagaalka Ethiopia ka socda inuu yahay dagaal fidi doona, oo aan ku ekaanayn waqooyiga Ethiopia ee deegaanka Tigrayga, sida uu sheegay ama uu qababa Raysal Wasaaraha Ethiopia.

Dagaalkaasi hadaan la xakamayn oo inta goori goor tahay aan la joojin geeska oo dhan saamayn weyn ayuu ku yeelanayaa. Markaa inaga oo ah Jamhuuriyada Somaliland oo Geeska kaga naala meel halbowle ah, waxa weeyi inaguna inaynu mawqifkeena aynu sheegnaa, talo wixii aynu hayno bixinaa.

Markaa waxaanu anagu leenahay hadaanu nahay xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka, xabaddu ha joogsato oo caqligu ha shaqeeyo, anagoo tixraacayna baaqyada adduunku usoo jeediyey Raysal Wasaaraha Ethiopia, anagu waxaanu leenahay Raysal Wasaare isma qabtaan waxaan helay biladii nabadda iyo dagaal Ayaan ku qaadayaa dad umadayda ka mid ah oo aan leeyahay qasab isku dhiiba, wax suurtagal ah maaha, waxaanu leenahay caqligu ha shaqeeyo” ayuu yidhi Gudoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland, Eng Faysal Cali Waraabe.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*