Latest News

Raysal Wasaare Ku Xigeenkii Hore Ee Soomaaliya Oo Maanta Yimid Hargeysa Kadib Markii Madaxweyne Biixi Cafis U Fidiyey

Hargeysa, October, 25, 2020 (Haatufonline) – Raysal Wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa maanta soo gaadhay magaalada Hargeysa kaddib markii uu cafis ka helay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu sheegay in Maxamed Cumar Carte fikirki hore ka noqday sidaas darteedna uu madaxweynuhu cafis u fidiyay in uu dalka yimaaddo iyadoo u aabihi Cumar Carte ku xanuunsanayo magaalada Hargeysa.

Cumar Carte oo ah siyaasi ruugcadda ah ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdihii soo maray Soomaaliya.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*