Latest News

Saddex Qof Oo Siyaabo Kala Duwan Ugu Dhintay Roob Ka Da’ay Hargeysa

Hargeysa, May 29, 2020 (Haatuf) – Alle ha u naxariistee Saddex qof ayaa ku geeriyooday roob galabnimadii maanta ka dhacay magaalada Hargeysa ee Caasimada Jamhuuriyada Somaliland.

Laba ka mid ah saddexda qof ee Geeriyooday ayuu qaaday dooxa weyn ee Hargeysa, halka qofka saddexaadna Laydh ama Koronto uu ku dhagay, sida uu HCTV u xaqiijiyey guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed.

Roobkan oo watay dabay ayaa caasimada Hargeysa ka bilaabmay ku dhawaad saddexdii galabnimo waxaanu qaaday ku dhawaad lixdii makhribnimo.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*