Latest News

Safiirka Itoobiya U Fadhiya Suudaan Oo Ku Hanjabay In Itoobiya Ay Xoog Ciidan Kula Soo Noqon Doonto Dhul Xuduudka Ku Yaala Oo Ay Ciidamada Suudaan Dhawaan Ka Qabsadeen Beeralay Hubaysan Oo Amxaaro Ah.

Khartuum,February 4 2020(Haatufonline)- Safiirka dawladda Itoobiya u fadhiya dalka Suudaan Yibeltal Aemro ayaa shalay ku hanjabay in Itoobiya ay xoog ciidan kula soo noqon doonto dhul beereed ku yaala xadka u dhaxeeya Suudaan iyo Itoobiya oo ay ciidamada Suudaan dhawaan gacanta ku dhigeen kadib marki ay ka caydhiyeen beeralay hubaysan oo Amxaara ah.

Safiir Yibeltal Aemro waxa uu dalka Suudaan ku eedeeyey inuu kusoo duulay dalka Itoobiya oo uu soo gaadhsiiyey khasaare dhaqaale oo lagu qiyaasi karo 25 milyan oo Doolar taas oo ay Suudaan kaga jawaabtay in laga soo bilaabo 1995 ay ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyadda Amxaaradu ay Suudaan soo gaadhsiiyeen khasaare lagu qiyaasi karo 11 bilyan oo Doolar isla markaana aanu Suudaan hunguri ka haynin dhulka Itoobiya hal mitirna ha noqotee.

Safiirka Itoobiya oo arintan ka hadlayaa waxa uu yidhi “Suudaan waxay ku kacday khalad taariikhi ah waanay ka shanlayndoontaa”.Masuuliinta Suudaan ayaa hadalka safiirka ku tilmaamay mid ka baxsan curfiga diblomaasiyadda.

Dhul beereedkan oo ku yaala deegaan la yidhaahdo Alfashqa waxa uu teedsanyahay xadka u dhaxeeya labada dal waxaana 25kii sanadood ee u dambeeyey beeran jiray dad kasoo jeeda gobolka Amxaarada ee Itoobiya hasayeeshe waxa dib u qabsaday ciidamada Suudaan kadib markii u qarxay dagaalkii gobolka Tigray horaanti bishi November 2020.

Connect with us on Facebook

Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial