Safiirkii Shiinaha U Fadhiyay Israel Oo Maydkiisa Laga Helay Gurigiisa Oo Ku Yaalla Tel Aviv

Tel Aviv, May 17, 2020 (Haatuf) – Safiirka dalka Shiinaha
u fadhiya magaalada Tel Aviv ee Israel ayaa maydkiisa laga helay gurigiisa.
Sababta uu u dhintay Ambassador Du Wei Ayaan la ogayn
balse waxa maydkiisa laga helay guriga uu ka dagan yahay Herzliya oo ka tirsan magaalada
Tel Aviv.
Waxaanay ciidamada Boolisku ay sheegeen inay wadaan
baadhista ay ku samaynayaan maydkiisa.
Leave a comment