Latest News

Saraakiisha Caafimaadka Ee Midowga Yurub Oo Isku Raacay Waxtarka Talaalka AstraZeneca Iyo Inay Qumantahay In Loo Isticmaalo Ka Hortagga COVID19

Berlin, March 18, 2021 (Haatufonline) – Saraakiisha caafimaadka Iyo Nidaamka dawooyinka ee Midowga Yurub ayaa isku raacay waxtarka talaalka AstraZeneca in loo Isticmaalo ka hortagga xanuunka COVID19.

Nidaamka dawooyinka ee Midowga Yurub waxxa ay sheegeen inay si adag ugu qanacsan yihiin, isla markaana in faa’iidooyin balaadhan ay leedahay Talaalka the ‘Oxford-AstraZeneca in lagaga hortago Covid-19 oo galaafanaya nolosha dad badan ku nool dalalka Qaarada Yurub iyo guud ahaanba caalamka.

Madaxa hay’adda dawooyinka u qaabilsan Yurub ee (EMA) oo la yidhaa Emer Cooke ayaa sheegay in ururkoodu uu ku taagan yahay go’aankiisii uu ku ansixiyay tallaalkan, iyagoo baadhis iyo dib u eegid ay sammeeyeen ka dib isku raacay in talaalkaasi sidiisa u sii socdo oo loo isticmaalo ka hortaga cudurka Coronavirus.

Hay’adda Dawooyinka Yurub ee (EMA) ayaa bilawday baadhis ka dib markii 13 dal oo Midawga Yurub ka tirani ay ka shakiyeen talaalka oo ay sheegeen in uu dhiiga xinjiraynayo. Hase yeeshee arintaasi ay meesha ka Baxday kadib markii la soo xaqiijiyey in talaalkaasi uu yahay mid shaqaynaya oo ku haboon ka hortaga COVID19.

Dalalka Talyaaniga, Spain, Faransiiska Iyo Germany ayaa ku dhawaaqay inay sii wadayaan istimaalka Talaalkan, balse waxay intaasi ku dareen in dadka shacabka ah ay ku xidhan tahay marka ay dib u bilaabayaan qaadashada talaalka the Astrazeneca.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*