Latest News

Saynisyahan Irani Ah Oo Lagu Dilay Tehran Iyo Israel Oo Lagu Eedeeyey

Tehran, November 27, 2020 (Haatufonline) – Saynisyahan sare oo ka tirsan Barnaamijka Nuclear-ka ee dalka Iran oo magaciisa la yidhaa Mohsen Fakhrizadeh ayaa lagu dilay gudaha dalka Iran, waxaana lagu eedeeyey Israel inay shirqooshay Saynisyahankan, sida uu ku waramay Telefishanka dalka Iran.

Fakhrizadeh ayaa lagu toogtay isagoo ku sugan Absard oo ku taala bariga magaalada Tehran xili uu gaadhigiisa watay.

Masuuliyiinta dalka Iran ayaa sidoo kale xaqiijiyey saacado hore oo maanta ah in la dilay Fakhrizadeh, dhawr qof oo kuwii weerarka soo qaadayna la dilay.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*