Latest News

Shir Hargeysa Uga Furmaya 40,000 Tabliqiyiin Ah Oo Daafaha Dunida Ka Kala Yimid

Hargeysa September 28,2020 (Haatufonline)-Waxa dhawrka maalmood ee soo socda la filaya inuu magaalada hargeysa ka furmo shir ay iskugu iman doonaan dad tiradooda lagu qiyaasay 40,000 qof oo Tabliiqiyiin ah kuwaasoo ka kala imanaya daafaha dunida.

Kaqaybgaleyaasha shirkan ayaa imaatinkooda durtaba laga dareemaya qaybo ka mid ah magaalada Hargeysa gaar ahaan madaarka iyo jidka uga baxa dhinaca Berbera iyadoo shirku ku qabsoomi doono xarunta cusub ee Tabliiqa ee ku taala Burco-Yar oo u dhaxaysa Halayo iyo Awbarkhadle,mana cadda sababta Tabliiqiyiintan looga dhaafay in la mariyo baadhitaanka caafimaad ee Covid19 iyo waliba lacagti Visa-ha ay dalka kusoo galayeen.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*