Shir Nabadeed Oo Ka Furmay Degmada Saax-dheer Ee Gobolka Sool

Hargeysa, August 4, 2020 (Haatuf) – Waxa Gelinkii dambe ee Maanta Degmada Saax-dheer ka furmay Shir-nabadeed u dhexeeya Beelaha Walaalaha ah ee Hagar iyo Hayaag ee Dhulbahante.

Labada Beelood oo uu Gogol nabadeed u dhigay Garaadka
guud ee Beelaha Sool, Sanaag Iyo Buuhoodle Garaad Jaamac Garaad Cali, ayaa la
doonayaa in lagu soo afjaro Colaad muddo soo jiitamaysay ee u dhaxaysey labada
beelood ee Walaalaha ah, kuwaasi oo horraantii bishii dhamaatay ee July uu
dagaal khasaare sababay ku dhex maray degmada Horufadhi.
Shirka Nabadeed ee ka furmay Saax-dheer ayaa waxa ka
qayb-galay Odayaasha iyo Waxbaradka Labada Beelood ee la heshiisiinayo iyo
Tobannaan Madax-dhaqameed ah oo ka socda Gobollada kale ee dalka
Leave a comment