Latest News

Shirkadaha Telesom, Somtel Iyo SATO Oo Baarlamaanka & Xukuumaddda Somaliland Ku Bogaadiyey Kootadda Fiber Optic Ee Ay Laaleen

Hargeysa, March 7, 2020 (Haatuf) – War-saxaafadeed ay si wadda jir ah u soo saareen shirkadaha Telesom, Somtel iyo Ururka Midowga isgaadhsiinta Somaliland ee SATO ayaa golaha wakiiladda Somaliland ku bogaadiyey xeerka Kootada ee Fiber Optic-ga ee ay laaleen.

Waxay sidoo kale hambalyo iyo bogaadiin u direen Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland oo dedaal ugu jira sareynta sharciga iyo horumarinta dhaqaalaha iyo isgaadhsiinta dalka.”sida lagu sheegay Warsaxaafaddeedka Shirkadduhu soo saareen.

HALKAN KA AKHRISO:

Waa markii ugu horaysay ee ay Golaha Wakiilladu wax-ka-bedel miisaankaa leh ku sameeyaan Xeerkan oo la aasaasay sanadkii 2011-ka.

Talaabadan waxa ay meesha ka saaraysaa in Shirkad qudha uu u xidhnaado keenista Xadhiga Cable-ka ee Fibre Optic-gu.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*