Latest News

Shirkadda FLYDUBAI Oo Shaacisay Inay Go’aan Kasoo Baxay Dawladda Imaaraadka Ku Joojisay Duulimaadyo Caalami Ah Oo Somaliland Ku Jirto

Hargeisa, 19, 3, 2020 (Haatuf) – War ay maanta soo saartay Shirkada FLYDUBAI ayay kaga hadashay dalalka aanay wax duulimaad ah u samaynayn Coronavirus awgii, kuwa ay amar dhanka socdaalka ah u joojisay inay u duusho iyo kuwa ay safaro qorshaysnaa joojisay.

Somaliland waxa ay ku jirtaa 27 dal oo ay joojisay duulimaadyo ay shirkadu ku samayn lahayd, wadamadaasi oo ay ka mid yihiin:

1. Saudi Arabia 

2. Masar

3. Finland 

4. Turkey 

5. Djibouti 

6. Italy 

7. Kuwait 

8. Poland , iyo kuwo kale.

Shirkadu duulimaadyadan ay joojisay ma aanay sheegin inuu wax saamayn ah ku yeeshay amar meel kale ka soo baxay.

Sidoo kale waxa soo baxaya Xogo kale oo tibaaxaya in Dawladda Imaaraadka Carabtu  markii ay xidhay hawadeeda ay hawada ku jireen  129 diyaaradood, kuwaas oo Dubia dib ugu laabtay.

Image may contain: text
Image may contain: text
Image may contain: text
Image may contain: text
Image result for flydubai

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*