Latest News

Shirkadda Telesom Oo Soo Bandhigtay Abaalmarinta AROOS WACAN Iyo Adeegga KAAFIYE

Hargeysa, July 28, 2020 (Haatuf) – Shirkadda Telesom ayaa daah-furtay adeegyadda KAAFIYE iyo AROOS WACAN oo ah adeegyo ay bulshaddu si weyn baahi ugu qabeen. Munaasibad daahfurka ayaa ka qaybsoontey xarunta shacabka ee shirkadda Telesom.

Adeegga KAAFIYE oo ah adeeg qiimo-dhimista balaadhan lagu sameeyey adeegga ku hadalka iyo dirista fariimaha gaagaaban. Adeeggan ayaa macmiilka u sahalaya inuu bishan oo dhan ku haddlo lacag dhan $7.

Maamulaha Suuq-geynta ee Shirkadda TELESOM Cabdiraxmaan Aar ayaa sharaxaad ka bixiyey adeegga KAAFIYE. Adeegan oo qofku kaga shuban karo adeegga ZAAD, isagoo isticmaalaya qaybta dollar-ka, *808# ka dibna dooranaya KAAFIYE, halka shilling-kana kaga shuban karo *202#.

Shirkadda Telesom ayaa sidoo kale soo bandhigtay Abaal-marintii ugu balaadhneyd ee lagu abaal-marinayo dhalinyaradda guur-doonka ah. Abaal-marinta oo lagu magacaabay AROOS WACAN.

Agaasimaha Horumarinta Arimaha Bulshadda ee shirkadda TELESOM Cabdiwahaab Maax oo sharaxaya abaal-marinta ayaa yidhi, “Baraamijka AROOS WACAN waa barnaamij loogu talo-galay in lagu taageero dhalinyaradda aan wali guursan ee u baahan inay qoys dhisaan. Barnaamijkani wuxuu bartilmaameedsan doonaa lixda bilood ee ka hadhay sannadka, in la dhiso 30 qoys ama 60 lamaane oo laga bixiyo kharashka arooska oo uu ugu muhiimsan yahay in loo iibiyo agabka guriga oo dhan, in laga bixiyo kiradda guriga oo lixda bilood ah iyo waliba in loogu daro masaariif lixda bilood ah”.

Haddaba barnaamijkan Abaal-marinta AROOS WACAN oo ah mid aanay shuruudi ku xidhnayn, waxaa lagaga qayb-gali karaa habka fariimaha gaagaaban, waxaanu qofku fariin ah “AROOS” u dirayaa lamabrka gaaban ee  “111” fariintuna waa mid bilaash ah.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*