Latest News

Shirkii Adhi-Cadeeye Ee Nabadeynta Laba Bilood Oo Wada Dega Sool Iyo Sanaag Oo Maanta Guul Lagu Soo Gabagabeeyey Kadib Markii Laga Heshiiyey Xalna Laga Gaadhay Ku Dhawaad 150 Kiis

Adhicadeeye ,Octobar 31,2020(Haatufonline)-Waxa maanta magaalada Adhicadeeye lagu soo gabagabeeyey shir nabadeed lagu heshiisiinayey laba bilood oo wada dega gobolka Sool ee Somaliland iyo deegaano ka mid ah gobolka Sanaag.Shirkan oo mudo 2 bilood ku dhaw dhaw socday ayaa waxa laga heshiiyey oo xal laga gaadhay kiisas dhex yaalay labada bilood ee walaalaha oon ka yareyn ilaa 150 kiis oo dilaal u badan oo sodonki sanadood ee u dambeeyey dhex maray labad bilood.

Xidhitaanki shirka ayaa waxa kasoo qaygalay madaxdhaqmeedka beelaha iyo wafdi ka socda xukuumadda Somaliland oo ka kooban Wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin,Wasiirka Ganacsiga Maxamuud Sacad Saajin iyo Wasiirka Biyaha Maxamed Muse iyadoo halkaas uu kusoo dhaweeyey Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore oo isagu mudadi u shirku socday oo dhanba ku sugnaa Adhicadeeye isla markaana dadaal badan ka geystay sidii uu Shirku u najixi lahaa.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*