Latest News

Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland Ee Maanta Oo Go’aamo Adag Laga Soo Saaray

Hargeysa, May 28, 2020 (Haatuf) – Fadhigii 59aad ee
golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ku yeeshay habka Maqalka iyo
Muuqaalka (Video Conference) oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinayo Madaxweyne
ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil
(Seylici) waxa ay warbiximo kaga dhagaysteen Guddida ka hortagga iyo la
dagaallanka xanuunka COVID-19, guddida nabadaynta shaqaaqadii ka dhacday
deegaanka Fadhi-gaab iyo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta qaranka
Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu horrayn guddida nabadaynta shaqaaqadii dhexmartay
dadka walaalaha ah ee deggan deegaanka Fadhi-gaab ee degmada Gar-adag, ayaa
xusay in ay meel wanaagsan u marayso nabadayntii beelaha walaalaha ah, ayna
dhawaan soo afjari doonaan, dhanka kale, Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda
Somaliland ahna Guddoomiyaha guddida COVID-19, ayaa ka warbixiyey waxyaabaha u
qabsoomay ka guddi ahaan isagoo xusay in shaqadii loo igmaday ay meel fiican u
marayso ayna qabteen hawlo badan oo muhiim ah.

Waxaanu xusay Madaxweyne ku xigeenka inay go’aansadeen
inay dadka danyarta ah ee reer Somaliland ay taakuleeyaan, isagoo sheegay in
toddobaadka soo socda ay raashin gaadhsiin doonaan qoysas gaadhaya 40,000 oo
qoys. Dhinaciisa wasiirka horumarinta caafimaadka ayaa ka warbixiyey in ay
dedaal badan ka muujiyeen sidii ay ula tacaali lahaayeen xakamaynta xanuunka
COVID-19, waxaana uu sheegay in ay gobollada dalka ku diyaariyeen goobihii
lagula tacaali lahaa dadka uu xanuunkaasi soo rito, geesta kale wasiirku waxa
uu sheegay inay gaadhsiiyeen Cusbitaallada dalka agabka hortagga xanuunka
COVID-19 oo ku filan muddo 3 bilood ah, sidoo kalena xarumaha caafimaadka
degmooyinka dalka ay u qaybin doonaan agabka loo isticmaalayo ka hortagga
xanuunka COVID-19.

Waxaanu wasiirku golaha wasiirada ka codsaday inay ka
qayb qaataan sidii loo waajihi lahaa la dagaallanka xanuunka COVID-19, sidoo
kale waxa uu xusay inay muhiim tahay in shacabka Somaliland ay qaataan
talooyinka lagaga hortago xanuunkan.

Sidoo kale, wasiirka wasaraadda qorshaynta iyo
horumarinta qaranka ayaa golaha uga warbixiyey in Somaliland ay ka socdaan
mashaariic ay wadaan hay’adaha caalamiga ah, waxaana uu tilmaamay inay jiraan
hay’ado dalka si dhuumaalaysiya isugu daya inay ka fuliyaan mashaariic uu ku
lammaan yahay magaca Soomaaliya, taasoo xad gudub ku ah qarannimada iyo jiritaanka
Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanay golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland dood
dheer ka yeesheen qaabka loo waajahayo hirgalinta guud ahaan mashaariicda laga
fulinayo gudaha Jamhuuriyadda Somaliland waxaanay ay go’amiyeen.

· In ay reebban tahay in hay’ad aan dalka ka diiwaan
gashanayni ay mashaariic ka fuliso gudaha Jamhuuriyadda Somaliland.

· Waxa Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka la
faray in ay diiwaan galiso dhammaan mashaariicda dalka ka socda isla-markaasna
ay hubiso inay waafaqsan yihiin shuruucda iyo habraacyada u degsan
Jamhuuriyadda Somaliland.

· Dhammaan Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dawladda
waxa la faray in aanay aqbalin fulinta mashruuc aan waafaqsanayn sharciga iyo
hab-raacyada dalka Jamhuuriyadda Somaliland u degsan.

· Golaha Wasiirradu waxa uu go’aamiyey in Jamhuuriyadda
Somaliland ay ka qeyb geli karto oo keliya shirarka lagu soo marti-qaado iyadoo
ah qaran madax-bannaan oo aan cidna ku lammaanayn.

Ugu danbeyn, waxa Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda
Somaliland uu beesha caalamka, Midawga Afrika, Urur gobeleedka IGAD iyo
dhammaan daneenayaasha nabadda iyo horumarka mandaqada geeska Afrika u
caddaynayaa in ay gardarro iyo gabbood-fal tahay waraaqda ka soo baxday Xamar
ee lagu xusay waxa loogu yeedhay doorashada Baarlamaanka dadka metalaya
degaamada Somaliland.

Waxaana goluhu caddaynayaa in dadka ka soo jeeda
Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan Xamar aanay metelin shacabka iyo Dawladda
Somaliland, balse ay yihiin dad shaqo iyo nolol si iskood ah uga raadsaday
Muqdisho, waxaana Jamhuuriyadda Somaliland siyaasad ahaan iyo dawlad ahaanba ay
wakiilatay goleyaasha kala duwan ee qaranka kuwaas oo loo igmaday xaqiijinta
himilada shacabka Jamuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial