Latest News

Shirweynaha KULMIYE Oo Maalintii Labaad Galay Iyo Ergeda Oo Dooratay Shanta Xubnood Oo Xisbiga Hoggaamin Doonta

Hargeysa, October 5, 2020 (Haatufonline) – Shirweynaha
Afraad ee xisbul-xaakimka KULMIYE, ayaa maalintiisii labaad galay, waxana ay
ergadu cod ku dooratay shanta xubnood ee xisbiga hoggaamin doonta shanta sanno
ee soo socota.

Shirweynaha oo ay ku sugnaayeen 806 (siddeed boqol iyo
lix) ergey oo kamid ah xubnaha ergooyinka xisbiga, ayey shirguddoonka
shirweynuhu gudo galeen Ajandaha shirka, waxana ay ugu horrayn ergadu cod ku
meel-mariyeen wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyey qodobbo kamid ah xeer
hoosaadka xisbiga KULMIYE.

Xubnaha ergadu waxa ay cod ku meelmariyeen in wax laga
beddelo habkii uu ku iman jirey hoghayaha guud ee xisbiga, islamarkaana uu
xoghayaha guud soo magacaabayo guddoomiyaha xisbigu, xilka qaadistiisa iyo
magacaabistiisana ay ansixinayaan golaha dhexe ee xisbiga, iyada oo sidoo kale
ergadu cod ku ansixisay inaan waxba laga beddelin tirada golaha dhexe ee
xisbiga oo lasoo jeediyey in la yareeyo.

Intaa kaddib, waxa la gudo galay doorashada Shanta
xubnood ee hoggaamin doonta xisbiga muddada shanta sanno ah ee soo socota,
iyada oo la yeedhiyey magacyada xubnaha buuxiyey shuruudihii ay guddida
qaban-qaabadu hore u shaacisay, waxana ay ergadu cod aqlabiyad ah ku dooratay
in madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ahaado
guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, halka guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbigana
loo doortay, mudane Maxamed Kaahin Axmed oo ah wasiirka arrimaha gudaha,
guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbigana waxa loo doortay, Mudane Axmed Cabdi
Dheere. iyada oo guddoomiye-ku-xigeenka saddexaadna ergadu u dooratay, Mudane
Xuseen Aadan –cadde, halka guddoomiye-ku-xigeenka Afraadna loo doortay, Mudane
Maxamuud Xasan Sacad Saajin oo isagu ku cusub hoggaanka xisbiga, ahna wasiirka
Ganacsiga, dalxiiska iyo wershedaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi
Cabdi oo maanta mar kale loo cumaamaday guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, oo ku
hadlay afka xubnaha hoggaanka ah ee la doortay, ayaa si ballaadhan ergooyinka
madasha ku sugnaa ugaga mahadnaqay kal-furnaanta iyo kalsoonida ay ku doorteen,
waxana uu tilmaamay in isaga iyo xubnaha kale ee la doortay ay u baahan yihiin
taageerada, talada iyo ducada taageerayaasha xisbiga, islamarkaana ay soo
dhaweynayaan fikir kasta oo meel mar ah oo dhinacooda ka yimaadda, waxana isaga
oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Xil culus baad noo dhiibteene waxa aad
noosoo raacisaan duco iyo inaad talada iyo taageerada nala ag joogtaan,
haddaanu qaldannona la qabataan oo aannu annaguna idiin qabsoonno, xisbiga
hawshiisana sidaas baynnu ku wadaynaa.”

Madaxweynaha, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, waxa uu
tilmaamay in xisbiyadu yihiin madal fikirka lagu shiilo oo talooyin kala duwan
la isku dhaafsado, islamarkaana loo baahan yahay in loo hoggaansamo dhinaca
aqlabiyaddu raacdo oo aan la is colaadsan, la isuna tanaasulo, “Xisbiyadu waa
meel arrin lagu gorfaynayo, la iskaga hor imanayo ra’yi kala duwan la
midaynayee waxa aannu jecel nahay in cid kasta oo ra’yiga ay wadato laga bataa
inay u dulqaadato oo u hoggaansanaato KULMIYE doorkiisu halka uu maray, haddii
ay ka xanaaqdo codkaa la iga batay oo uu ka dudo KULMIYE dhab ah ma ah, annaga
haddii uu wax naga tirsadona wuxu leeyahay golihii dhexe, mustambeedkiisii,
taageerayaashii, intuba ciddii wax qoonsata inaynu is waaninno oo aynu is
wadanno mid cadho ku maqan iyo mid cadhoon doonaba inay xeer inoo noqoto
xisbiga in la isku wado oo uu sidaas ku hoggaamiyo,” ayuu yidhi Madaxweyne
Muuse Biixi Cabdi, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE.

Ugu dambayntii waxa uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ahna
guddoomiyaha xisbiga KULMIYE maanta shaaciyey in sida xeerka xisbiga KULMIYE
sheegayo ay ergooyinka xisbigu u doorteen labadii goor ee sharcigu siinayey
hoggaaminta xisbiga, marka ay muddadaasi dhammaatana uu noqon doono oday xisbi
oo aan taladiisa iyo wax sheeggiisa xisbiga kala maqnaan doonin, isaga oo guul
iyo gobonnimana u rajeeyey taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee caanka ku ah isku
duubnida iyo wada-jirka.

Wa bilaahi Tawfiiq

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial