Latest News

Shirweynihii Dhallinyaradda Somaliland Oo Hogaan Cusub Lagu Doortay

Hargeysa,(Haatuf) – Shirweynihii dalladda dhallinyarada
Somaliland ee SONYO oo laba cisho uga socday magaaladda Hargeysa ayaa mar
dhowayd doortay hogaan cusub oo bedeli doonna hogaankii hore usii joogay .

Shirweynaha dhalinyarada oo saddexdii sannaba mar
qabsooma ayaa maanta lagu doortay hogaanka dalladda oo noqonaya 19 qof oo ka
kala yimid goboladda Somaliland iyo gudoomiyaha cusub ee dalladdu yeelan
doonto.

Gudoomiyaha cusub Cabdicasiis Maxamed Jaaamac oo ay la
tartamayeen laba xubnood oo kale ayaa labadii xubnood ee la tartamayey iska
tanaasuleen ka dib markii ay ogaadeen in laga codad badan yahay, waxaana ugu
dambayn si aqbaliyad ah loo doortay gudoomiyaha cusub.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Boos Mire
Maxamed ayaa soo xidhay shirweynaha 9 aad Ee Ururada Dhalinyarada Somaliland Ee
SONYO, waxaaanu u hambalyeeyey gudoomiyaha cusub iyo sida ay iskugu tanaasuleen
ee aanu khilaaf uga dhallan.

Sidoo kale, gudoomiyaha cusub iyo gudoomiyihii hore iyo
masuuliyiin hore xilal uga soo qabtay dallada dhalinyarada ee SONYO ayaa
dhamaantooda ka hadlay hogaanka cusub ee maanta la doortay, kuwaas oo ugu
duceeyey inuu ilaahay u fududeeyo xilkaasi culus ee loo doortay.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial