Latest News

Siro Badan Oo Uu Abiy Axmed Maanta Qarxiyey Waxa Ka Mid Ahaa In Socdaalkiisii U Horeeyey Markii Uu Xilka Qabtay Ku Tagay Jigjiga Si U Uga Hortago Gobolka Somaalida Oo Go’a iyo Gobolka Tigrayga Oo Ku Xigi Lahaa

Adisababa,November 30,2020(Haatufonline)- Raiisalwadaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo maanta baarlamanka ka jeediyey khudbad uu kaga hadlay carqalado iyo mu’aamarado ay hordhigeen masuuliintii sirdoonka ee kasoo jeeday gobolka Tigray markii uu xilka qabtay sanadkii 2018.

Abiy Axmed waxa uu sheegay inuu markii u xilka raiisal wasaaraa qabtay kadib uu mudo xafiiskiisa aanu dhaafi jirin oo maxbuus oo kale ku ahaa iyadoo ninkii madaxa sirdoonka ahaa uu ka ilaalin jiray inuu cid xidhiidh la yeesho oo meelwalbaiyo wax walba looga dhigi jiray khatar oo cabsi galin iyo go’doomin lagula dhaqmayey.

Abiy Axmed waxa uu sheegay in markii uu go’aansaday inuu gobolada booqdo oo socodaalkiisa ugu horeeya ku tago gobolka Soomalida uu madaxa sirdoonku is-hortaagay safarkaasi iyadoo ay sirdoonku ku sababeeyeen in Alshaaab halkaas joogto oo ay naftiisa khatar galin karaan.Isagoo arintaas sharxayana waxa uu yidhi waxan weydiiyey inay wax cadeyn ah hayaan iyo hadiiba Alshabaab gobolkaa ku sugan yihiin maxaad shaqadiina u qabsan weydeen ee usoo qabqaban weydeen.

Raaisalwasaaraha Itoobiya siraha badan ee uu maanta sheegay waxa ka mid ahaa in socdaalkiisii bishi April 2018 uu ka tagay Jigjiga ay ujeedadiisu ahey inuu ka hortago gobolka Somaalida oo xiligaa ku dhawaaqi lahaa inuu Itoobiya ka go’ay isla markaana uu ku xigii lahaa gobolka Tigraygu oo isna madaxbanaani ku dhawaaqi lahaa.Abiy Axmed wuxu masuuliyadda shirqoolkan iyo qaar kale oo badan oo uu saaka ka sheekeeyeyba dusha ka saaray TPLF.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*