Latest News

Siyaasi Jarmal Ah Oo Kasoo Horjeeday Qaxoontiga Muslikma Ah Oo Islaamay Iyo Xaaskiisii Oo Ka Tagay

Germany,January 11,2020(Haatufonline)-Werner Klawun oo ahaa siyaasi Jarmal ah oo ku caanbaxay faafinta nacaybka iyo karaahiyada qaxoontiga Muslimka ah ee soo gala dalkiisa ayaa la sheegayaa inuu qaatay diinta Islaamka oo dhawrkii sanadood ee uu dambeeyeyba uu Muslim ahaa.

Werner Klawun oo 75 jir ku islaamay magaciisana hadda la yidhaahfo Ibraahim wuxu ka mid ahaan jiray xisbi midigta xagjirka ah ee Jarmalka.Kadib markii uu Islaamay waxa Ibraahim ka tagay xaaskiisii iyo caruurtiisii hasayeshee waxa halkoodii soo galay afar qaxoontiga dalka Suuriya ah oo haataan kula nool gurigaasi kuwaasoo noqday caaiiladdiisa cusub.

Ibraahim wuxu sheegay in fikirkiisu isbadalay ka fib markii uu akhriyey qasaaid iyo gabayo laga tiriyey diinta Islaamka iyo qoraaloo lagu amaanayo Nabi Maxamad salawaatulaahi caleeh oo dhamaantood ku qornaa luqadda Jarmalka ,markii dambana uu quraanka akhriyey oo iimaanku kusoo dagay.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*