Latest News

Socdaalka Wasiirka Khaarajiga Itoobiya Ee Bariga Afrika Iyo Dawladaha Igad Oo Ku Baaqaya In Wadahadal Lagu Xaliyo Dagaalka Abiy Axmed Iyo TPLF Kadib Markii Midowga Yurub Culays Saaray

Kampala,November 16,2020(Haatufonline)- Raiisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo hogaamiyeyaash dawaladaha xubnaha ka ah ururka Igad oo maalmahanba culays farabadani kaga imanayey dawladaha midowga Yurub ee ay deeqaha ka helaan inay wax ka qabtaan dagaalka sokeeye ee ka socda dalka Itoobiya ayaa si gooni gooni ah ugu dhawaaqay in dagaalkaasi wada hadal lagu dhameeyo.

Xukuumadda Abiy Axmed lafteeda oo intii hore oo dhan iska dhego tiraysay baaqyada kasoo yeedhayey caalamka in la joojiyo dagaalka labadii todobaad ee u dambeeyey dhexmarayey ciidankeeda iyo ciidanka gobolka Tigray ayaa maanta bilowday dhaqdhaqaaq diblomaasiyadeed oo ay iskaga caabinayso dhaliilaha loosoo jeedinayo raiisal wasaare Abiy Axmed in isagoo la siiyey abaalmarinta nabadda ee Nobel uu dagaal ka oogay dalkiisii halkii uu mushkiladaha ka horyimid ku furdaamin lahaa xal nabaded iyadoo wasiirkii Khaarajiga Demeke Makonnen Hassen uu socdaal u kala bixiyey dalalka Bariga Afrika isagoo ku horeeyey dalka Uganda halkaas oo uu kula kulmay madaxweyne Museveni kadibna u gudbay dalka Kenya oo uu kula kulmay madaxweyne Uhuru Kenyata.

Hasa yeeshee wali lama hubo inuu jiro wax isbadal ah oo ku yimid mawqifkii Abiy Axmed ee diidanaa inuu wada hadal la galo hogaamiyeyaasha gobolka Tigray waxaanay u eegtahay inuu wali u janjeedho dhinaca dagaalka ilaa uu guul ka gaadhayo siday la tahay.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*