Latest News

SOLJA Oo Tababar U Furtay 30 Suxufi Oo La Barayo Baadhitaanka Xogaha Qarsoon

Hargeysa, July 19, 2020 (Haatuf) – Ururka Suxufiyiinta
Somaliland ee SOLJA ayaa Tababbar ugu qabtay magaalada Hargeysa 30 Suxufi oo ka
kala yimid guud ahaanba gobollada dalka, isla-markaasina ka hawlgala Hay’adda
Warbaahineed ee Dalka.

Tababbarkan oo socon doona muddo 4 Maalmood ah, ayaa ku
saabsan Kor u qaadista xirfadaha suxufiyiinta, gaar ahaanna Baadhitaanada
Barnaamijyada Xasaasiga ah iyo dabagalka warbixinada saamaynta leh.

Yaxye Maxamed Cabdi oo ah Agaasimaha Ururka suxudiyiinta
Somaliland ee SOLJA oo furutaankii tababarkani ka hadlay ayaa sii faahfaahinaya
dulucda lagaga hadlayo inta uu socdo tababarkani, waxaanu sheegay in SOLJA oo
diyaar u ah inay wax barto Weriyeyaashu Tababbarkan ugu talo-gashay in kor
loogu qaado Xirfadda la xidhiidha baadhitaannada Saxaafaddu samayso.

Sidoo kale, Agaasime Yaxye Maxamed Cabdi waxa uu kula
dardaarmay Warfidiyeenada inay ka midho dhaliyaan Aqoonta la barayo iyo
ujeeddada Tababarkan.

Ugu dambayn, Mahad jaamac koronto oo ah bare sare oo
warbaahineed isla-markaasina daadihin doona Tababbarkani muddada uu socdo ayaa
halkaas ka hadlay.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial