Latest News

Somalia: Hoggaamiyeyaal Sare Oo Al-shabaab Ka Tirsan Oo Lagu Dilay Duqayn

Jilib, April 7, 2020 (Haatuf) – Taliska Ciidanka Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay Salaadadii maanta in duqayn ay qaadeen diyaaradaha Maraykanku ay ku dileen Yuusuf Jiis oo ka tirsan saraakiisha ugu sareeya ururka Al-shabaab, toban kale oo sarkaal.

Yuusuf Jiis ayaa ka mid ahaa saddex xubnood oo Al-shabaab ka tirsan oo la dilay bishii April labadeeddii, AFRICOM ayaa sidaas sheegay.

Jidka xubintan ka tirsan Al-shabbaab ayaa ka mid ahayd weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhaca Soomaaliya maalmihii la soo dhaafay.
“Yuusuf Jiis wuxuu ahaa xubin aad u naxariis daran oo  mas’uulna ka ahaa goynta nafo badan oo aan waxba galabsan,” ayuu taliyaha AFRICOM, Jeneral Stephen Townsend oo sidaasi ku sheegay bayaan uu soo saaray. Dilkiisa ayaa ka dhigaya Soomaaliya iyo waddamada dariska la ah meel amaan ah.
AFRICOM ayaa lix duqeymo cirka ah ka fulisay Soomaaliya ilaa iyo April labadeedii, oo ay kujirto mid Isniintii lagu dilay shan xubnood oo argagixiso ah, ayaaa lagu yidhi bayaanka AFRICOM.
AFRICOM waxay sheegtay in aan qof rayid ah lagu dilin duqeyntii Isniinta ka dhacday Jilib, oo qiyaastii 230 mayl koonfur ka xigta caasimada Muqdishu, laakiin waxay baadhitaan ku hayaan wararka sheegaya in ay jiraan khasaare rayidka soo gaadhay.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*