Latest News

Somalia Oo Eedaysay Kenya Iyo Jabuuti

Muqdisho, April 22, 2021 (Haatufonline) – Dowladda wakhtigeedu dhamaaday ee Soomaaliya ayaa ku eedeeysay dalalka Kenya iyo Jabuuti inay wadaan olole diblumaasiyadeed oo ay guddida midowga Afrika kaga dhaadhicinayaan in qodobo ay doonayaan lagu daro war-murtiyeedka lagasoo saarayo shirkooda maanta.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Dubbe oo goor dhowayd shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa sheegay dowladda Soomaaliya in ay kasii digayso xogaha kasoo gaaraya qorshaha ay Kenya iyo Jabuuti wadaan.
“Dowladda Soomaaliya waxay ka digaysaa wax walba oo taabanaya gobanimada iyo madax bannaanideeda siyaasadeed. Waxaan kasoo horjeednaa dowladdo ay Soomaaliya kala dhexayso xurguf siyaasadeed in ay guddiga nabada midowga Afrika u adeegsadaan ku xad gudubka gobanimada Soomaaliya,” ayuu yidhi wasiir Dubbe.
Wasiir Dubbe, ayaa sheegay dowladda Soomaaliya in aysan cidna ka aqbalayn ka xad gudubka arrimaha gudaha Soomaaliya, taasoo uu sheegay in ay kasoo horjeedo xeerarkii iyo sharciyada lagu aas aasay ururka midowga Afrika.
Wuxuu sheegay wasiirku in ay soo dhoweynayaan cid kaste oo dowladda gacan ka siinaysa qabsoomida doorasho xor iyo xalaal ah oo ay shacabku codkooda ku doortaan wakiiladdooda.
Hadalka wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa kusoo aadaya iyadoo galabta lagu wado in war murtiyeedka lagasoo saaro shirka guddiga nabadda iyo amniga midowga Afrika ee ka socda Addis Ababa.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*