Latest News

Somalia Oo Ku Dhawaaqday In Laba Milyan Oo Qof Ay Wajahayaan Cunno Yari Iyo Biyo La’aan

Muqdisho, March 14, 2021 (Haatufonline) – Wasaaradda gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka Soomaaliya ayaa shaacisay in labo milyan oo qof oo ku nool gudaha Soomaaliya ay wajahayaan cuni yari iyo biyo la’aan ka dhalatay abaaraha, Ayaxa iyo caabuqa Covid-19.

Wasiirka gargaarka Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka hadlaysay shir jaraa’id oo Muqdisho ay ku qabteen guddiga gurmadka qaran ee Soomaaliya, ayaa sheegtay in xaaladda bin’aadanimo ee Soomaaliya ay gaartay heerka saddexaad ee qiimaynta Abaaraha.
Wasiir Khadiijo Diiriye waxay tilmaamtay marxalada hadda lagu jiro in ay sii cakirayso arrimaha binu’aadanimo ee dad ka badan shan milyan oo horay ugu baahnaa gargaar aadanimo.
Waxay ugu baaqday hay’addaha qaramada Midoobay iyo kuwa maxaliga ah in ay bixiyaan gurmad naf badbaadin ah, waxayna dowladda federalka iyo maamul goboleedyada ugu baaqday in loo midoobo xaaladdan adag ee dalku wajahayo.
Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in ay hay’addaha caalamiga ah ay kala hadleen in ay si degdeg ah ugasoo jawaabeen codsi dowladdu u jeedisay.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*