Latest News

Somalia Oo Ku Fashilintay Inay Qabsato Doorasho Teendho Hoosteed Ah Iyo Khilaafka Hortaagan Oo Noqday Biliiliqaysiga Kuraasta Foorjariga Ah Ee Somaliland

Muqdisho,February 12,2021(Haatufonline)- Dalka Somalia ayaa ku fashilmay inuu qabsado doorashadi dadbaneed ee walba ay ku qabsan jireen teendho hoosteed si ergada beelahu u doortaan xubno baarlamaan oo dabeeto baarlamanka cusub laga soo dhex xulo madaxweynaha dalkaasi.

Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa mudo-xileedkiisi dhamaaday 8 dii bishan February iyadoon la qaban doorashadii madaxweynaha.Sidoo kale doorashad xubnaha baarlamanka cusub oo aheyd inay qabsoonto dabayaaqadii 2020 ayaa iyaduna dib u dhacday oon wali qabsoomin.

Khilaafka ka taagan ee siyaasiyiinta Somalia isku mari waayeen wuxu ka koobanyahay laba qodob oo kala ah sidan:

1)Xulista calooshood- u-shaqeysteyaasha noqonaya ergada matalasya Somaliland ee dooran doona cidda ku fadhiisanaysa kuraasta foorjariga ah ee loo qoondeeyey Somaliland kuwaasoo ay kala hororsanayaan madaxweynaha mudadiisu dhamaatay Farmaajo oo isagu doonaya inuu soo noqdo iyo mucaaridka ka kooban Puntland iyo Jubaland iiyo waliba golaha musharaxiinta madaxweynaha.Farmaajo oo doorkan adeegsanaya Mahdi Guleed ayaa diyaarsaday ergo iyo xubno baarlamaan oo ka kooban calooshood-u- shaqeysteyaal u dhashay Somaliland si ay codkooda u siyaaan taasoo ay mucaaridku ka gadoodeen.

2)Gobolka Gedo ee beesha Farmaajo degto balse maamul ahaan hoosyimaadda Jubaland ayaa in doorasho ka dhacdo waxa hortaagan Farmaajo oo ku dhaggan in dawladda dhexe iyadu maamusho doorashada 5 degmo oo ka mid ah Gedo halka madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe in doorasho ka dhacdo maamul goboleedkiisa ku xidhay shardi ah in marka hore ay ciidamada dawladda dhexe ee Farmaajo ka amar qaataa ka wada baxaan gobolka Gedo oo amnigiisa lagu wareejiyo bilayska Jubaland sida uu distoorku dhigayo taasoo uu Farmaajo ka biyodiiday.

Qolooyinka isku magacaaba beesha caalamka oo boqolaal milyan oo doolar oo mucaawimo ahi sanad walba kaga bixi jirtay taakulaynta maamulka Farmajo ayaa dhawrki bilood ee u dambeeyey baaqyo isdaba joog ah u dirayey dhinacyada is-haya si ay khilaafaadkooda u xaliyaan oo doorashadu u qabsoonto hasa yeeshee reer Somalia ayaan dheg u dhigin talooyinkii ay dawladaha masruufaan soo jeediyeen waxaana muuqata in fashilaadan ay si gaar ah ugu ceebaysanyihiin wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia James Swan iyo Safiirada dawladaha Maraykanka iyo Britain u fadhiya Xamar maa daama ay ahaayeen cidda ugu badan ee Farmaajo ka taageeri jirtay dhinacyada diblomaasiyaded,siyaasadeed,dhaqaale iyo ciidanba.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*