Latest News

Somalia Oo Ku Guuldaraysatay Inay Ka Mid Noqoto Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC)

Arusha, February 28, 2021 (Haatufonline) – Shir madaxeedka wadamada bulshada bariga Afrika ayaa dib u dhigey codsi Soomaaliya ay ku doonayso inay ka mmid noqoto ururkan oo magaciisa loosoo gaabiyo EAC. Intii lagu gudajiray shirkii caadiga ahaa ee 21-aad ee Madaxda Wadamada Bariga Afrika oo la qabtay Sabtidii shalay ayaa ururku wuxuu sheegay in codsigii Soomaaliya ee ku biirista bulshada aan la qaban.
Shir madaxeedka ayaa lagu xusay in dowladda federalka Somaaliya aysan kasoo bixin xogta loo baahan yahay si loo go’aamiyo in ay kamid noqoto Bulshada Bariga Afrika, waxaana lagu faray Golaha in ay dabagal ku sameeyaan howshaas.
Shirku  wuxuu tixgeliyey codsigii Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ee ku biirista EAC, waxaana lagu faray Golaha in ay qaadaan hawlgal xaqiijin ah.
Intii uu socday Shir Madaxeedka waxaa Madaxweyne Uhuru Kenyatta loo doortay Guddoomiyaha cusub ee bulshada Bariga Afrika.
Uhuru wuxuu xilka kala wareegay dhigiisa Ruwanda ee xilka kasii degaya Paul Kagame oo la wareegay hoggaanka bishii Febraayo 2019.
Bulshada Bariga Afrika (EAC) waa urur goboleed ka kooban 6 dowladood oo iskaashi la leh, sida Burundi, Kenya, Rwanda, South Sudan, Tanzania, iyo Uganda, xaruntiisu waxay ku taalaa Arusha, Tanzania.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*