Latest News

Somalia Oo Laga Helay Kiiskii 8aad Ee Coronavirus

Muqdisho, April 8, 2020 (Haatuf) – Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, ayaa shaacisay inuu soo kordhay xaaladii 8aad oo xanuunka COVID-19.

Qofka laga helay cudurka, waa nin Soomaaliyeed oo 58 sano jir ah, wuxuuna deegaan ku yahay Muqdisho oo safar kama uusan imaan.

Wasaaraddu waxay sheegtay tirada guud ee cudurku inay hadda marayso 8 qof. Waxaa kasoo kabtay hal qof, mana jirto cid u dhimatay cudurka.

Dhinaca kale, wasiirka caafimaadka Soomaaliya, Fowsiyo Abiikar ayaa sheegtay in hadda kadib dalka lagu baari doono dadka looga shikisanyahay xanuunka COVID19, ayna dowladdu heshay sheeybaarka lagu ogaado cudurka. Halka markii hore baaritaanada loo qaadi jiray shaybaadh kuyaala Nairobi.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*