Latest News

Somaliland: 14 Qof Oo Laga Helay Coronavirus Iyo Hal Qof Oo Kale Oo U Geeriyooday

Hargeysa, May 14, 2020 (Haatuf) – Wasaarada Caafimaadka Somaliland ayaa maanta ka warbixisay xaaladdo cusub oo cudurka Coronavirus ah oo ku soo kordhay Somaliland, kuwaas oo 24-kii saacadood ee la soo dhaafay tiro afartan qof ah oo laga baadhay xanuunka COVID19 laga helay 14 qof.

Sidoo kale Wasaarada Caafimaadka Jamhuuriyada Somaliland waxa ay sheegtay in Hal qof oo kale uu u geeriyooday xanuunka Coronavirus taas oo tirade guud ee dhimashada ka dhigaysa 6 qof inay Somaliland ugu geeriyoodaan cudurkaasi.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka Somaliland Maxamed Cabdi Xergeeye oo isagu warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu yidhi “Maanta oo bisha May ay tahay 14 waxa soo kordhay 14 xaaladood oo 24-kii Saacadood ee u dambeeyey ku soo kordhay xaaladihii aynu hore u haynay.

14-kaa Xaaladood ee Soo kordhay waxay isugu jiraan 4 dumar ah, iyo 10 rag ah. Marka la eego dhalashadooda dhamaantood waa Somalilander,” ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka Somaliland, Maxamed Cabdi Xergeeye.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*