Latest News

Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Maanta Wajigii 2aad Ee Wadahadalada Ku Yeeshay Dalka Jabuuti

Jabuuti, June 15, 2020 (Haatuf) – Wajigii labad ee
Wadahadladii u dhaxeeyey Jamuuriyadda Somaliland iyo Soomaliya ee shalay ka
furmay Waddanka Jabuuti oo maanta mar kale dib u furmay oo uu shir gudoominayey
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, sidoo kalena waxaa
shirkaasi goob joog ka ahaa Dawladda Maraykanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi
Cabdi oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa guddida farsamo ee wada-hadalada loo
saaray kula dardaarmay in runta laga-wada hadlo islamarkaana, loo baahan yahay
in shirkaasi guulaysto oo midho-dhal wax ku ool ahi kasoo baxaan.

Waxaanu Madaxweynuhu yidhi “Dhankayaga waxaanu halkan la
nimi run, wixii aanu dhibaato u aragno in aanu sheegno, wixii Soomaali u dan ah
ee aanu ka fursan waynayna waanu la nimi, Walaalahayo waxaanu u sheegaynaa si
walaaltinimo ah waxaanu diyaar u nahay inaanu dhegaysano rayiga naga duwan ee
kaayaga ka kafog in aanu dhegaysano oo dulqaadkeeda yeelano oo aaanu rog-rogno
baanu u nimi idinkana sidaa iyo si lamida ayaanu idinka doonaynaa, Shalay
arrintu waxay ahayd Madaxweynayaashii baa shiray oo hadlay oo la
dhegaysanaayey, masuuliyadii waanu soo wareejinay guddidan wasiirada ah baa
lagu soo wareejiyey annagu tilmaantayadii waanu dhamaynay, maanta waxaa lasoo
eegayaa guddida farsamo ee halkan ku hadhay inay keento maxaaa inoo dan ah
maxaa ugu dhow ee aan ku heshiin karnaa.

Intaasi ka dib Madaxweynayaasha ayaa ka baxay goobta
waxaana kulanka isku horfadhiya guddiyadii farsamo ee loo saaray shirkaasi.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial