Latest News

Somaliland Iyo Taiwan Oo Qalbi Furan Ku Soo Dhaweeyey Qoraal Ka Soo Baxay Golaha Amniga Qaranka Ee Dalka Maraykanka

Hargeysa/ Taipei, July 10, 2020 (Haatuf) – Dawladaha
Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Shiinaha (Taiwan), ayaa si diiran u
soo dhaweeyey qoraal ka soo baxay Golaha Amniga Qaranka ee dalka Maraykanka
(National Security council ‘NSC’) oo lagu ammaanay xidhiidhka dhexmaray dalalka
Somaliland iyo Taiwan, iyadoo qoraalka Maraykanka lagu caddeeyey in xidhiidhka
Taiwan ka bilawday Bariga Afrika uu yahay mid yimid xiligii loogu baahida
cuslaa.

Qoraallo lagu faafiyey Twitter-ka Wasaaradda Arrimaha
Dibadda Somaliland iyo Wasaaradda Khaarajiga Taiwan maanta (10 July 2020), waxa
lagu sheegay inay ku faraxsan yihiin qoraalka lagu bogaadiyey xidhiidhkooda ee
ka soo baxay dowladda Maraykanka, waxayna Somaliland iyo Taiwan iftiimiyeen
inay labadooda waddan xidhiidh fiican la leeyihiin dalka Maraykanka.

Somaliland iyo Taiwan waa laba dal oo ka midaysan inay
caalamka ka helaan aqoonsi buuxa oo dhinac walba ah, waxayna hadda si fiican oo
u gaar ah ula macaamilaan, heshiisyo iskaashina la galaan dalal badan oo
adduunka ah.

Dowladda Maraykanku waxay muddooyinkii u dambeey wax weyn
ka beddeshay siyaasadeeda arrimaha dibadda iyo qorshayaasha khuseeya danahooda
qaran, amni iyo dhaqaale, waxayna calaamadiyeen in dalka Shiinuhu yahay cadawga
koowaad (enemy number one) ee danaha Maraykanka, waxaannu Shiinuhu kaalintaas
koowaad ka cidhiidhsaday kooxaha loo yaqaan argagixisada iyo dalal kale oo
Maraykanku u aqoonsan yahay inay halis ku yihiin dalkooda, sidaa darteed
dagaalkooda siyaasadeed iyo dhaqaale waxay ku jiheeyeen dhinaca Shiinaha,
weliba meelaha sida gaarka ah loogu dagaalamayo waxa ugu mihiimsan qaaradda
Afrika, taasina waxay keenaysaa in dagaalkaas u dhexeeya Shiinaha iyo
Maraykanku uu faa’iido u noqdo Somaliland iyo Taiwan, balse waxa dawladda iyo
dadweynaha Jamhuuriyadda Somaliland looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan sidii
loo adkayn lahaa hannaanka dowladnimo iyo ku-dhaqanka sharciga, lagana fogaado
qabyaaladda iyo wax kasta oo caqabad ku noqon kara ka midho-dhallinta
qaddiyadda aqoonsiga iyo horumarka dalka Somaliland.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial