Latest News

Somaliland Oo Cambaaraysay Hadal Dhawaan Ka Soo Yeedhay Ergayga Qaramada Midoobay Ee Soomaaliya

Hargeysa, March 7, 2020 (Haatuf) – Xukuumadda Somaliland ayaa wax laga xumaado ku sheegtay hadal uu Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Mr. James Swan ku sheegay in Xafiiskiisu ka shaqaynayo qorshaha geddi-socodka nidaamka doorashooyinka Soomaaliya oo Somaliland-na ku jirto.

War-saxaafadeed uu soo saaray Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland Md. Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) ayaa u qornaa sidan “Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay iftiiminaysaa sida qotada dheer ee ay uga xun tahay warmurtiyeedkii uu dhawaan soo saaray Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan oo sheegay in xafiiskiisu uu ka shaqeynayo qorshaha geddi-socodka nidaamka doorashooyinka Soomaaliya oo Somaliland-na ku jirto. Hadalkaasi maaha mid saamanaya xaqiiqada ka jirta Jamhuuriyadda Somaliland madax-bannaanideeda siyaasadeed iyo nidaamkeeda dimuqraadiyadaba.

Dhawaaqa ka soo yeedhay Wakiilka Xoghayaha Guud waxa uu ka hor imanayaa Qarammada Middoobay oo sheegta inay daacad ka tahay siyaasadda mandaqadda.

Xukuumadda JSL waxay cambaaraynaysaa war-saxaafadeedkii Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay oo ay u aragto daandaansi iyo farogelin uu ku sameeyey xornimada Somailand iyo is-xukunkeeda. Waxa kaloo hadalkiisu xushmad darro ku yahay hannaanka dimuqraadiyadda JSL iyo horusocodkii ay sameynaysay tan iyo xiligii ay madax-bannaanideeda dib ugala soo noqotay Soomaaliya 18kii May 1991kii.

Somaliland waxay guulo waaweyn ka gaadhay oo u qabsoomay doorashooyin lagu guulaystay oo ku saleysan hal qof iyo hal cod iyo hab nabadgelyo ah oo hoggaamiyeyaasha Somaliland ay xilka iskugu wareejiyeen.”

War-saxaafadeedka Xukuumadda Somaliland waxa lagu sheegay in afti qaran loo qaaday dastuurka JSL sannadkii 2001dii, isla-markaana shacbiga Somaliland si sharciya u soo doorteen Wakiilladooda iyo dawladooda, iyadoo Qarammada midoobay oo Somaliland xidhiidh la laheyd soddonkii sannadood ee la soo dhaafay ay si wanaagsan uga war-qabto arrimahaas.

Hadalka Wakiilka Xoghayaha guud wuxuu xushmad darro ku yahay waajibaadkii ay aheyd inay Qarammada midoobay ay garab istaagto nabadgelyada iyo xasiloonida mandaqada.

War-saxaafadeedka Wasiirka Warfaafinta ahna Afhayeenka Xukuumadda Somaliland waxa kaloo lagu bayaamiyey in siyaasadeynta iyo farogelinta Wakiilka Xoghayaha Qarammada midoobay ay waxyeeli doonto himiladii laga qabay dib u bilaabista wada-hadallada beesha caalamku doonaysay inay u qabato Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya, si ay uga wada hadlaan laba waddan cilaaqaadkooda mustaqbalka.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ugu baaqaysaa beesha caalamku inay ka fogaadaan ficil kasta oo ihaanno iyo liddi ku ah nidaamka dimuqraadiyadda, madax-bannaanida iyo xornimada Somaliland oo ay taabogeliyaan sidii ay u sii wadi lahaayeen inay Xukuumadda iyo shacabka reer Somaliland kala shaqeeyaan arrimaha horumarinta iyo xasiloonida mandaqada.”

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*