Latest News

Somaliland Oo Hakisay Isticmaalka Noodhka $50

Hargeysa, February 18, 2021 (Haatufonline) – Somaliland ayaa hakisay in dalka laga isticmaalo lacagta 50 dollar, maadaama oo  dalka ay soo gashay lacag foojari ah.  

Gudoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi) ayaa sheegay in lacagtani ay soo gashay suuqyada Hargeysa kadib markii ay ka soo gashay dhinaca Muqdisho oo ay soo martay dalka Ethiopia gaar ahaana magaalo xuduudeeda Wajaale oo ah magaalo ganacsi.

Gudoomiyuhu wax uu intaa ku daray in lacagtan foojariga ahi aanay wali gaadhin bariga Somaliland, isagoo uga diday dadka inay isticmaalaan maadaama oo ay dhaafáyso mishiinada lacagta lagu eego.v’

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*