Latest News

Somaliland Oo Ka Hadashay Diyaaradd Sida Dawooyin Oo Soomaaliya Usoo Dirtay Buuhoodle

Hargeysa, May 21, 2020 (Haatuf) – Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta Somaliland, Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi ayaa sheegay in xukuumadd Somaliland ahaan aanay waxba ka qabin oo ay soo dhaweynayaan cid kasta oo xiligan dawooyin iyo agab kale oo caafimaad soo gaadhsiisa deegaamada Somaliland, gaar ahaana Buhoodle, balse arintaasi ay ka madhan tahay Siyaasad.

Hadalka Wasiirka ayaa daba socday kadib markii Masuuliyiin ka socday Soomaaliya ay diyaarad daawooyinka sida ka soo dajiyeen magaalada Buuhoodle.

Wasiir Qambi oo arintaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Cudurka Adduunka ku baahay si siyaasad la’aan ah ayuu adduunku wixii uu taageero iskaga gaysan karayey uu iskaga gaystay, taas oo macnaheedu yahay in adduunka oo dhami u wada gurmado.

Markaan leeyahay aduunka oo dhan ayaa isku gurmaday waxa la iskugu gurmanayey si siyaasadd la’aan ah oo aan waxba ku hoos jirin,” ayuu yidhi Wasiirka Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*