Latest News

Somaliland Oo Sheegtay Inay Jiraan Wariyeyaal Iyo Telefishano Laga Masruufo Soomaaliya

Hargeysa, (Haatufonline) – Kulan ay maanta magaalada Hargeysa ku yeesheen Masuuliyiin ka tirsan xukuumada Somaliland iyo xubno ka socday Warbaahinta Somaliland iyo ururka suxufiyiina Somailand ee SOLJA ayaa lagu lafa-gurayey doorka ay saxaafadu ka qaadan karto nabadda Somaliland.

Kulankan ayaa ka dhacay Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland, waxaana hadal ka jeediyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, kaas oo sheegay inay dawladd ahaan hayaan liiska Wariyeyaal iyo Telefishano dawladda Soomaaliya lacago ka qaata, “Anagu doonimayno Saxaafada Somaliland iyo dawladdu inay coloobaan ma rabno, ma doonayno inaanu noqono qolo wax fadhaysa oo saxaafada fadhaysa oo saxaafada ay is cadaawadaysanayaan, liis ayaan halkaa ku hayaa sodon wariye iyo telefishan ayaan halkaa ku hayaayoo dawladda Soomaaliya lacag ka wada qaata, maanta miyaad maqasheen cid dawladda ka tirsan intay idin soo horfadhiisatay ay idinku tidhi intaasaanu haynaa.

Dawadd waliba sibaa wararka loo helaayoo, wararka waxa dawladd loo yahay in war la helo, ma doonayno markaa in aanu ku degdegno ama dawladdu ay aad ugu degdegto in arimaha noocaas ah mushkiladda laga dhigo, waxaan aad ugu faraxsanahay in aanay habluhu ku jirin,” ayuu yidhi Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed oo halkaasi ka hadlay.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*