Latest News

Somaliland Oo Warqad U Dirtay Itoobiya, Sheegtayna Inaanay Ogolayn Socdaal Farmaajo Ku Yimaaddo Hargeysa

Hargeysa,  (Haatuf)
– Xukuumadda Somaliland ayaa Warqad Rasmi ah u dirtay Dawladda Ethiopia, taas
oo ay ku muujisay in aanay Ogolayn in uu Madaxweyne Farmaajo yimaaddo
Caasimadda Somaliland ee Hargeisa.

Warqaddaasi ayaa Nuxur ahaan loogu sheegay Ra’iisal
Wasaaraha Ethiopia, Abiy ahmed, in aanay Somaliland diyaar u ahayn in ay
Hargeisa ku soo dhawayso Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.
sida ay Xaqiijiyeen Ilo wareedyo Muhiim ah.

Warqadda xambaarsan mawqifka diidmada ah ee xukuumadda
Somaliland, ayaa maanta la gaadhsiiyay Wasaaradda arrimaha Dibadda ee Dalka
Ethiopia, sida la xaqiijiyey

Ila wareedyada, ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynaha
Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, uu Toddobaadkan gudihiisa Baarlamaanka la hadli
doono isla-markaana uu faahfaahina ka bixin doono kulamadii uu madaxda kula
yeeshay Magaalada Addis Ababa iyo dhamaalkan uu ethiopia u diray ee uu kaga
hortagayo imaatinka Madaxwaynaha Soomaaliya.

Warkan ayaa soo baxay, Saacada uun ka dib markii uu soo
baxay Warka sheegaya in Raysal-wasaaraha Itoobiya uu doonayo inuu Hargeysa u
soo hor-kaco Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, kaasi oo ay
Toddobaadkii hore kulan Magaalada Addis Ababa kula yeeshay Madaxweynaha
Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial