Latest News

Somaliland Oo Wax Lala Yaabo Ku Tilmaantay Ficilada Somalia Ee Ku Saabsan Xidhiidhka Taiwan Iyo Somaliland

Hargeysa, August 19, 2020 (Haatuf) – War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Arimaha dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa lagu sheegay in dawladda Somaliland ay u aragto Wax lala yaabo falcelinta Soomaaliya ka bixisay xidhiidhka diblomaasiyadeed ee dhexmaray Somaliland iyo Taiwan.

War-saxaafadeedka Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland ayaa u dhignaa sidan:-

“Dawladda jamhuuriyada Somaliland waxay u aragtaa ficilcelinta Soomaaliya ee xafiiska wakiilka Taiwan ee Somaliland inay tahay mid la yaab leh oo ay la yaabeen ummadaha adduunka, halka Jamhuuriyadda Somaliland ay horeba xidhiidh diblomaasiyadeed iyo xidhiidh muhiim ah la leedahay waddamo badan oo Afrika, Yurub iyo Aasiya. Somaliland – Xiriirka cusub ee Taiwan wuxuu ka mid yahay iskaashiga noocan ah iyo saaxiibtinimada dheer ee ka dhaxaysa Somaliland iyo xubnaha bulshada caalamka.
Jamhuuriyadda Somaliland waxay dib ula soo noqotay qaranimadeeda 1991 kadib markii dadka reer Somaliland ay si wada jir ah u go’aansadeen inay ka baxaan midnimadii fashilantay ee u dhaxaysay Somaliland iyo Soomaaliya sanadkii 1960.
Sidaa daraadeed, qaranimada Somaliland iyo jiritaankeeda dhuleed ayaa ah lama huraan oo aan laga noqon karin iyadoo lagu saleynayo akoontigaan taariikhiga ah. Sida dawladaha Afrika ay dib ugu xaqiijiyeen bayaankii Qaahira ee 1964 xuduudaha Afrika waa inay ahaato sidii gumaysiga loo qeexay maadaama jamhuuriyadda Somaliland ay ka mid tahay waddammadaa bayaankaas lagu ansixiyay xuduudaheeda.
Dawladda Somaliland waxay dooneysaa inay ku celiso in xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo Taiwan uu salka ku hayo is-afgarad iyo qiimaheena aan wadaagno ee nabadda, xorriyadda iyo dimuqraadiyadda iyo dacaayadaha aan sal iyo raad lahayn ee ka imanaya Soomaaliya ma soo bandhigi doonaan xiriirkan taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal.
Dawladda Somaliland waxay mar labaad uga digaysaa maamulka Soomaaliya inay ka waantoobaan hadalada soo noqnoqda ee aan sal iyo raad lahayn ee ay ku hayaan marin habaabinta adduunka. Somaliland waa dal madaxbanaan oo xilkas ah oo ixtiraama arrimaha kale ee umadda.”

Jawaabtan ay Somaliland bixisay ayaa diba socotay warsaxaafadeed ay soo saartay dawladda Somalia oo ay ku cambaaraynayso xidhiidhka diblomaasiyadeed ee dhexmaray Somaliland iyo Taiwan.

Waxaanu u dhignaa warsaxaafadeedka dawlada Somalia ka soo baxay sidan:-

“Dawladda federaalka ah ee Soomaaliya waxay cambaaraynaysaa isku dayga taxadar la’aanta ah ee Taiwan ee ay ku xadgudbeyso madaxbanaanida jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Iyo ayna ku xad gudubtay sharafteeda dhul ahaaneed.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxay diidan tahay dadaaladaas marin habaabinta ah ee ay ku doonayaan in ay ku abuuraan kala fogaansho iyo kala qeybinta dadkayaga.

Jamhuuriyadda federaaliga ah ee Soomaaliya waxay u taagan tahay sidii ay u ilaalin lahayd qaranimadeeda, Midnimada dadka iyo sharafteeda dhul ahaaneed.

Soomaaliya waxay xaqiijineysaa mowqifkeeda xushmaynta mabaadiida jiritaanka dowladaha iyadoo la raacayo shuruucda caalamiga ah iyo Axdiyadaha Qaramada Midoobay.

Sidaas darteed dowladda federaalka ee Soomaaliya waxay ugu yeedhaysaa Taiwan inay hoos u dhigto howlaheeda marin habaabinta ah oo ay ku samayso qeyb kasta oo ka mid ah dhulka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, mabaadi’daani waa kuwo aan gorgortan gelin karin dowladda federaalka Soomaaliya.

Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya waxay qaadi doontaa talaabooyin lagama maarmaanka ah sharciga caalamiga ah si loo ilaaliyo Midnimada, Madaxbanaanida Qaranka, ee sharafteeda dhuleed iyo Madax-bannaanida siyaasadeed.”

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*