Somaliland Oo Xabsiga Dhigtay 9 Qof Oo Ka Soo Jeeda Imaaraadka Carabta

Saba-wanaag, (Haatuf) – Ciidamada Booliska Somaliland
ayaa maanta Xabsiga dhiggay Sagaal qof oo u dhashay dalka Isku-tagga Imaaraadka
Carabta, oo la sheegay inay si shari darro ah u Ugaarsanayeen.Raggaan la xidhay
ayaa laga qabtay Garoonka diyaaradaha Cigaal International magaalada Hargeysa,
kuwaas oo ku sii jeeday dalkooda, waxaana saraakiil ka tirsan Ciidamada
Booliska Somaliland ay sheegeen in raggaan u dhashay Imaaraadka Carabta ay si
sharci darro ah uga ugaadhsanayeen deegaannada Somaliland.Raggan ayaa
dadweynaha degmada Sabo-wanaag oo ka tirsan gobolka Maroodi-Jeex oo ah
halka ay ku Ugaadhsanayeen markii hore u sheegay in ay mashaariic u
fulinayaan balse waxaa la ogaaday in ay si sharci darro ah u ugaadhsanayaan.Somaliland
ayaa horay deegaanneeda uga erisay Kalluumeysato iyo Shaqaalo Ajnabi ah,
kuwaas oo ay sheegeen in si sharci darro ah ay ku joogeen deegaannada
Somaliland, iyaga oo sidoo kale ku amray Ajaanibta ku sugan inay isa-soo
diiwaan geliyaan.
Leave a comment