Latest News

Soomaalidii Kilinka : Tigraygu Waxbay Xidhayeen Ama Dilayeen Laakiin Dhulkayga Dan Kamay Lahayn Laakiin Oromadu Waxay Doonayaan Dhulkayga

Mooyaale,December 10,2020(Haatufonline)-Soomaalida ku nool dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ka walaacsan waxay ugu yeedheen dhulbalaadhsiga iyo dhulboobka ay qawmiyadda Oromodu ku hayso dhulka Soomaalida degto.

Soomaalida ku nool deegaanka Mooyaale ayaa waxay cadho ka muujiyeen sida aan madaxdii Kilinka loogasoo qaygalin munaasabadii shalay ee lagu qabtay Mooyaalee ee lagu daahfurayey jidka isku xidhaya dekadda Mombassa ee Kenya iyo dalka Itoobiya oo Mooyaale noqonayso barta kastamka ee ay soo mari doonaan badeecaduha u kala gudbaya labada dhinac.Munaasabaddan ayaa waxa kasoo qaybgalay raiisalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Kiiniya Uhuru Kenyatta.Waxaseh Soomaalidu la yaabtay in Abiy Axmed madaxweynaha gobolka Oromoda Shimelis Abdesa ku casuumay kaqaygalka munaasabaddaasi balse uu meesha ka maqnaa madaxweynihii dawlad deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar iyadoo goobta mashruuca laga furayey ku taalo deegaanka Soomaalida oo ay degaan qabaa’il ay ka midyihiin Garraha,Dirka iyo Digoodiga taasoo ay Soomaalidu barbardhigeen munaadabaddi lagu dhagax dhigayey madhruucan oo xiligas ay kasoo qaybgaleen raiisalwasaarahi hore ee Itoobiya Desalegn iyo madaxweynihii hore ee Kilinka Cabdi Ilay.

Soomaalida ku nool dawlad deegaanka ayaa waxay baryahan dambe halhays u yeesheen ” TIgraygu waxbay xidhayeen ama Dilayeen oo dhulkayga dan kamay laheyn laakiin Oromodu waxay doonayaan dhulkayaga “.Soomaalida ayaa waxay aaminsanyihiin in qorshaha Oromoda dabada ka wadaa yahay sidii ay dhul deeqqa u heli lahaayeen isla markaana uu gobolkoodu xad ula yeelan lahaa dhamaan dalalka Itoobiya la jaarka ah si ganacsigooda iyo dhaqaalahooduba u koobco iyadoo qawmiyadda kale ee iyaduna ku dhaqanta dhulbalaadhsigu tahay Amxaarada.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*